Friday, March 21, 2025

Tababar ay SEDO Somalia u qabatay beeralayda cirbiye

Waxaa maanta Hay’adda SEDO Somalia ka fulisay tuulada cirbiye oo hoos tagta degmada Laasqoray mashruuc ku saabsan sidii beeralayda tayadooda kor loogu qaadi lahaa, waxaan tababar arrimahaas ku saabsan loo sameeyey beeraladayda  deegaanka.

Tababarkan oo ay fulinayeen khuburo ka socotay hay’adda SEDO Somalia ayaa ku saabsanaa hab beerashada wanaagsan, sida loo maareeyo dallagyada, sida loola dagaalamo cayayaanka curyaamiya beeraha iyo sida loo dejiyo qorshaha mustaqbal ee waxsoosaar.

Sidoo kale waxay hay’addu dayactir ku sameysay dhawr ceel biyood oo ay beeralaydu u isticmaali jireen waraabka beeraha, waxayna u qeybisay beeraladayda deegaanka qalabka wax beerashada sida

badiilo, sakeelo, garweynayaal, kaariyoono iyo tuubooyinka biyaha qaada.

Hay’adda SEDO Somalia ayaa ka shaqeysa deegaanka iyo arrimaha bulshada gobolka Sanaag ayaa ka fulisay mashaariic kala duwan oo beddelay nolosha dadka ku dhaqan gobolka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles