Saturday, November 15, 2025

Taliska NISA oo sheegay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankaan.”  ayaa lagu warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska NISA.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray”Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.”

Bayaanka NISA ayaa lagu sheegay “Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles