Saturday, June 14, 2025

Taliyaha Booliiska oo ku baaqay in la xoojiyo doorka Amni ee saaran ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Taliska guud ee Ciidanka kula kulmay saraakiisha hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska .

Kulankaasi oo ahaa todobaadle  waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay saraakiisha qeybta guud ee gobalka banaadir , hoggaanka baarista dambiyada CID, taliska La dagaalanka argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Taliyaha Ciidanka waxa uu  saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay hayaan,waxa uuna faray in la xoojiyo doorka ciidanka kaga aadan amniga dalka,gaar ahaan xilliggaan oo ay so dhowdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ,waxa uu si gaar ah shacabka uga codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka,isla markaana  ay laamaha Ammaanka gacan ka siiyaan ka hortagga falalka Khawaarijta iyo wax kasta oo keeni kara amni darro.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles