Shiinaha oo ku baaqay in laga fogaado dagaal kale,lana sii ambaqaado heshiiskii Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Mr. Wang Yi oo ka qwybgalay shirka G 20 ee Magaalada Johannesburg, Dalka K/Afrika ayaa sheegay in aan loo baahneyn dagaal kale oo ka dhaca Gaza,balse ay waajib tahay in si hufan loo sii ambaqaado heshiiskii xabad joojinta ee ay wadagaareen Israel iyo Hamas.

“Waan aragnay waxa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed,waxaana habboon in wax loo  qabto dadka reer Falasyiin,isla markaana loo daayo maamulkooda” ayuu yiri, sida laga soo xigtay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Mr. Wang Yi waxa uu ku celceliyay in xal laba dowladood ah uu yahay midka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda gobolka isagoo intaa raaciyay in cadaalad darida ku dhacday Falastiin ay keentay dib u dhac muddo 70 sano ah.

“Shiinuhu waxa uu taageerayaa dhammaan dadaallada nabadda ee lagu soo afjarayo colaadaha dunida sida dagaalka Gaza iyo kan Ukrain”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles