Friday, March 27, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku aaddan magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, iyadoo xilka laga qaaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub), oo horey u hayay jagadaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in xil ka qaadista Taliye Shub ay la xiriirto arrimo siyaasadeed, waxaana lagu eedeeyay inuu la safan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo sidoo kale la sheegay inuu soddog u yahay.

Magacaabistan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan loo arko mid qeyb ka ah isbeddellada amni iyo siyaasadeed ee socda.

Lama oga weli sida ay saameyn ugu yeelan doonto xaaladda guud ee amniga iyo xiriirka u dhexeeya dhinacyada is haya, balse waxay kusoo beegantay marxalad xasaasi ah oo dalka ka jirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag ugu hadlay xariga Taliye Shub iyo eedeyn uu u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal...

Koofur galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada ee Baarlamaanka

Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed...

RW Xamsa oo xilkii ka qaaday wasiiro dhawaan is casilay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii...

Xisbiga MW Hore Sheekh Shariif oo cambaareeyay xarigga Taliyihii Asluubta

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee...

Uganda oo ka hadashay suurta-galnimada inay ku biirto dagaalka Bariga Dhexe

Dowladda Uganda ayaa ka hadashay suurtagalnimada inay ku biirto...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles