Saturday, May 17, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ku soo dhoweeyay taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay sarreeye Guud Sam Okiding, taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeyb-galay Meertada 34aad ee Jamacada Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kulanka Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Baaqday iyo cabsi laga qabo mooshino

Maanta oo Sabti ah, waxaa baaqday kulankii caadiga ahaa...

Turkiga oo sheegay inuu adkeynayo taageerida Milateri ee uu siiyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si...

Dagaal xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa xalay weerar qorsheysan ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles