Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeyb-galay Meertada 34aad ee Jamacada Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles