Friday, May 1, 2026

Taliyaha ciidanka Dhulka oo tagay deegaano laga saaray Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib howlgallo guulo laga gaaray.

Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo bogaadinta geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xoreynta deegaanadaasi.

Intii uu ku sugnaa goobaha laga saarayay, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada, isaga oo ka xaal wareystay xaaladda guud ee amniga, isla markaana dhageystay warbixino la xiriira howlgallada socda, baahiyaha jira iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga deegaanadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin wada-shaqeyn miro dhal ah iyo go’aan adag oo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanada laga xoreeyay, loogana hortago isku-day kasta oo cadowgu dib ugu soo laaban karo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa weli sii socda, iyada oo dowladda Soomaaliya ay adkeynayso dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo in adeegyada dowliga ah dib loogu celiyo deegaanada la xoreeyay.

WARARKII KALE

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

Xiisad kacsan & diyaar garow dagaal oo laga dareemayo bariga Dhexe

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah sida Fox News ayaa muujinaya...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles