Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe kula afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga, isaga oo xusay in ay yihiin tiirka amniga iyo xasiloonida dalka. S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa cutubyada ku sugan jiidaha hore, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda amni iyo guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah cadowga.


