Wednesday, March 4, 2026

Taliyaha Guutada 14-ka October oo lagu dilay gobolka Sh.Hoose

Allaah u naxriistee Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) ayaa maanta lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose.

Nin hubeysan oo xiran dareeska ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu toogtay taliyaha, sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada ee ku sugan Gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka falka geystay uu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalana ay sheegayaan in ninka falka geystay uu ka yimid maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha Milatariga ayaa xaqiijiyay geerida AUN Gaashaanle Sare Nuur Fareey oo ahaa taliyaha Guutada 14 Ogtoobar.

Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u geeriyooday, waxaana loo badinayaa in uu ku dhintay rasaas uu furay askari ciidanka ka tirsan.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu la hadlaayay ciidan faylsan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles