Qarax miino ayaa lala eegtay Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee 14-ka October ee ciidamada xoogga Maxamed Nuur Jareere., kaasi oo ku sii jeeday deegaanka Sabiib iyo Caanoole, isagoona gurmad u ahaa ciidamada dowladda eek u sugan deegaanada ay Al-shabaabka weerarka ku qaadeen.
Taliye Jareere ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa loo dhigay, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii kale ee la socotay ee ka mid ahayd ilaaladiisa.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliska Xoogga dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, waxayna tilmaameen inuu ahaa geesi ka baxay ciidamada.
Weerarka deegaanka Sabiib ay ku qaadeen Al-Shabaab ayaa waxa ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay ku weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.