Tuesday, March 3, 2026

Taliye Janan oo sheegay in xuquuq ay heli doonaan ciidamada ka soo goosta Axmed Madoobe

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo hadda dowladda federaalka Soomaaliya u qaabilsan Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo, ayaa markale waxaa uu ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baladxaawo iyo xaalada guud ee degmada.

Janan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay dhibaato ka wado degmada Beledxaawo, taasi oo culeys weyn ku ah shacabka ku nool degmadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay horseedeen in ciidamo badan ay ka leexdaan dowladda isla markaana ay ku biiraan Jubbaland.

Sidoo kale Janan ayaa sheegay in wax xuquuq aysan haysan Maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe ee ku sugan Magaalada Beledxaawo, wuxuuna u balanqaaday in dowladda Soomaaliya ay siin doonto xuquuqda ay u baahnaayeen, haddii ay ka soo goostaan garabka Axmed madoobe.

Cabdirashid Janan ayaa degmada Beledxaawo uu u yimid si loo habeeyo maamulka iyo hoggaanka ciidamada ku sugan Gobolka Gedo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles