Sunday, August 16, 2026

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas lagu furay askar ka tirsan Puntland

Ugu yaraan Seddex askari ayaa ku geeriyooday, halka labo kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Falkaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana la sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday isagoo wata qorigii askariga dhintay.

Dhaawacyada labada kale ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe, iyadoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidamada ammaanka gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la baadi-goobayo askariga falka geystay oo la sheegay in uu si degdeg ah uga baxsaday goobta.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay falkaasi, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu ka dhashay is-fahamwaa ama muran u dhexeeyay labada dhinac.

Maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdada, taas oo cabsi iyo walaac gelisay shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles