Taliye Jimcaale oo tagay Garoowe iyo kulamo socda

Taliyaha ciidamada Danab Gen. Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay gaaray magaalada Garoowe, kaddib markii xubno ka tirsan guddiga dhexdhexaadinayay isaga iyo maamulka Puntland ka soo ka xeeyeen magaalada Laascaanood.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Garoowe ka taagnayd xiisad la xiriirta imaanshaha Gen. Jimcaale, balse ugu dambayn xal ayaa laga gaaray arrintaas.

Wadahal aan weli dhammaan ayaa u socda Gen. Jimcaale iyo dowladda Puntland, kaas oo ay ka garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal.

Lama oga in taliye Jimcaale uu la wada shaqayn doono Puntland & dowladda federaalka iyo in uu mid u go’i doono.

Gen. Jimcaale wuxuu dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda sare ee federaalka, waxayna Puntland aaminsan tahay in loo magacaabay taliyaha qaybta 54-aad ee ciidamada xoogga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles