Thursday, September 18, 2025

Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Lagu Dilay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Marxuumka ayaa lagu beegsaday weerar ay fuliyeen koox hubeysan xilli uu marayay wadada isku xirta Caabudwaaq iyo Balanbale, gaar ahaan degaanka Ceelasha.

Sade Daahir ayaa la socday gaari ay wateen dad kale, waxaana weerarka uu sidoo kale dhaawac culus ka soo gaaray mid ka mid ah dadka la safrayay, kaasoo si degdeg ah loogu qaaday isbitaalka degmada Caabudwaaq.

Kooxdii falka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la rumeysan yahay in dilkan uu xiriir la leeyahay silsilad aanooyin qabiil ah oo muddooyinkii dambe ka socday deegaannada Galmudug, gaar ahaan agagaarka Balanbale iyo Caabudwaaq.

Intaa kaddib, waxaa la dilay Bashiir Cabdiqaadir Cali, taasoo sii hurisay xiisadda deegaanka.

Dhammaan dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaado qabiil ay si buuxda uga holcaan gobolka.

Ciidamada Galmudug ayaa bilaabay baaritaanno la xiriira dilalkan, waxaana socda dedaallo lagu raadinayo kooxaha weerarrada geystay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles