Wednesday, April 1, 2026

Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Lagu Dilay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Marxuumka ayaa lagu beegsaday weerar ay fuliyeen koox hubeysan xilli uu marayay wadada isku xirta Caabudwaaq iyo Balanbale, gaar ahaan degaanka Ceelasha.

Sade Daahir ayaa la socday gaari ay wateen dad kale, waxaana weerarka uu sidoo kale dhaawac culus ka soo gaaray mid ka mid ah dadka la safrayay, kaasoo si degdeg ah loogu qaaday isbitaalka degmada Caabudwaaq.

Kooxdii falka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la rumeysan yahay in dilkan uu xiriir la leeyahay silsilad aanooyin qabiil ah oo muddooyinkii dambe ka socday deegaannada Galmudug, gaar ahaan agagaarka Balanbale iyo Caabudwaaq.

Intaa kaddib, waxaa la dilay Bashiir Cabdiqaadir Cali, taasoo sii hurisay xiisadda deegaanka.

Dhammaan dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaado qabiil ay si buuxda uga holcaan gobolka.

Ciidamada Galmudug ayaa bilaabay baaritaanno la xiriira dilalkan, waxaana socda dedaallo lagu raadinayo kooxaha weerarrada geystay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles