Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa qaaday weerar qorsheysan oo culus oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Khawaarijta oo is uruursanayay agagaarka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka, oo si qorsheysan loo diyaariyay, ayaa sababay dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay, kaasoo saraakiisha hoggaaminayay ay ku tilmaameen “guul weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in tiro badan oo Khawaarij ah lagu dilay halkaas, iyadoo qorshihii cadowgu lahaa si buuxda loo fashiliyey.

Goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal ayaa haatan ah mid ay yaallaan meydad badan oo Khawaarij ah, iyadoo weli la wado qiimeyn ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyay cadowga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaalka joogtada ah ee lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe, waxayna xuseen in ay sii wadayaan hawlgallo nadiifin ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Dowladda Federaalka iyo ciidamada deegaanka ayaa isku duuban, iyagoo sii xoojinaya la dagaallanka argagixisada si dalka looga suuliyo kooxaha nabadda diidan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milatariga Israa’iill sheegay in ay dileen saraakiil Xamaas ka tirsan

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dileen laba xubnood oo...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Baraawe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto...

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

Danjirihii hore ee Itoobiya oo sheegay in dhexdhexaadinta Soomaaliya aysan guuleysan karin Itoobiya la’aanteed

Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Suleymaan Dedefo,...

Saadaq Joon oo si rasmi ah loogu dhaariyey xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles