Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay Venezuela oo korortay

Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah uga dhex baaraya burburka dhismayaasha si ay u badbaadiyaan dadka nool, kaddib markii laba dhulgariir oo aad u xooggan ay ku dhufteen dalka Venezuela, meel u dhow caasimadda Caracas. Dhulgariirradaasi waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 235 qof, halka in ka badan 1,500 kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Caracas iyo magaalada xeebta ku taalla ee La Guaira ayaa laga maqlayay dad ku xanniban burburka dhismayaasha oo codsanaya gurmad iyo in la badbaadiyo.

Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirkii ugu horreeyay uu cabbirkiisu ahaa 7.2, balse ilbiriqsiyo yar kaddib uu dhacay mid kale oo ka xoog badan, kaas oo cabbirkiisu gaadhayay 7.5. Labaduba waxay ka dhaceen meel dhulka hoostiisa aad ugu dhow, taas oo sii kordhisay khasaaraha iyo burburka.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, maadaama dad badan weli la la’yahay, qaar kalena ay hoy la’aan noqdeen ama ay ka baqayaan inay ku laabtaan guryihii iyo dhismayaashii waxyeelladu gaadhay, sidaas darteedna ay habeenkii ku hoyanayaan waddooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles