Toogasho ka dhacday Koofur Afrika oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay toogasho wadareed ka dhacday hoteel ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Afar iyo toban qof oo kale ayaa ku dhaawacmay kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen goob uu ka dhacayay shir oo ku taal magaalada Saulsville ee galbeedka magaalada caasimadda ah ee Pretoria subaxnimadii Sabtida. Ilmo saddex jir ah ayaa ka mid ah dadka dhintay.

“Ugu yaraan saddex nin oo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa galay hudheelkan oo ay koox dad ahi wax ku cabayeen, waxayna bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan,” afhayeenka bilayska Athlenda Mathe ayaa sidaa yiri.

Lama oga sababta ka dambeysay toogashadan, mana jirto cid loo soo qabtay. Waa falkii ugu dambeeyay ee toogasho wadareed oo gilgilay dalka ay dambiyada ka dhaceen sanadihii u dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles