Tuesday, March 3, 2026

Trump iyo Putin oo kulmi doona

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kulmi doona Alaska Jimcaha soo socda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.

Trump ayaa kaga dhawaaqay baraha bulshada kulanka 15 Agoosto markii dambena afhayeen u hadlay aqalka Kremilinka ayaa xaqiijiyey isagoo sheegay in goobta kulanku tahay “mid si macquul ah u qorshaysan” maadaama Alasku u dhow yahay Ruushka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Trump lagu casuumay Ruushka shir madaxeedka labaad ee suuragalka ah.

Ma jirin wax falcelin ah oo degdeg ah oo kasoo baxay Ukraine.

Ku dhawaaqista kulankan ayaa timid saacado un kadib markii Trump uu muujiyay in laga yaabo in Ukraine ay khasab ku noqoto inay dhul ka tanaasusho si loo soo afjaro dagaalka, kaas oo bilowday markii Ruushku si buuxda u duulay dalka deriska la ah bishii Febraayo sanadkii 2022.

“Waxaad eegaysaa dhul lagu dagaalamayay saddex sano iyo bar, dad badan oo Ruush ah ayaa dhintay. Dad badan oo Ukrainian ahna waa ay dhinteen,” ayuu Trump ka yiri Aqalka Cad Jimcihii.

“Aad bay u adag tahay. Waxaanu doonaynaa in qaar soo celino, waxaanu doonaynaa in qaar la isku baddelo. Waxaa jiri doona isweydaarsi dhulal ah, taasoo labada dhinacba u noqon doonta mid faa’iido leh.”

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u ekaan doonto soo jeedintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta CBS News ee Mareykanka, ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal u ah wadahadallada, iyagoo sheegaya in Aqalka Cad uu isku dayayo inuu ku qanciyo hoggaamiyeyaasha Yurub inay aqbalaan heshiis ay ku jirto in Ruushka la siiyo gobolka Donbas oo dhan ee bariga Ukraine, isla markaana uu sii haysto Crimea.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles