Trump oo ka jawaabay su’aal ku saabsan qorshaha lagu rarayo dadka reer Qaza ee Somaliland

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay si toos ah su’aal looga weydiiyay wararka sheegaya in Somaliland ay daneynayso in lagu raro dadka reer Qaza, haddii la aqoonsado madax-bannaanideeda.

Trump ayaa sheegay in arrintaas ay weli miiska saaran tahay oo ay u baahan tahay xal siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo adag, isagoo yiri: “Waanu eegaynaa hadda arrintaas. Waa su’aal wanaagsan, dhab ahaantii, laakiin hadda waan ka shaqeyneynaa hawshaas.”

Madaxweynaha ayaa ka meermeeray in uu bixiyo jawaab cad oo ku saabsan mowqifka rasmiga ah ee Mareykanka, balse wuxuu muujiyay in Somaliland ay weli ku jirto “xisaabinta istiraatijiyadeed” ee Washington, inkastoo aan la filayn in go’aan rasmi ah laga gaaro waqti dhow.

Wararka ku saabsan qorshahan ayaa markii ugu horreysay soo shaac baxay bishii hore, kadib markii ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen in la isku dayayo in Somaliland lagu daro qorshaha caalamiga ah ee xalinta dhibaatada bani’aadantinimo ee Qaza, taas oo dhalisay dood xooggan iyo falcelin ballaaran gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax caddeyn rasmi ah oo muujinaya in wadaxaajoodyo toos ah oo arrintan ku saabsan ay u socdaan dhinacyada Somaliland iyo Mareykanka, balse hadalka Trump ayaa u muuqda mid albaabka ka tagaya furan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles