Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hakiyay qorshe weerarro xooggan oo Mareykanku ku qaadi lahaa Iiraan, kuwaas oo la qorsheeyay in lagu beegsado bartilmaameedyo muhiim ah.
Sida warbixintu sheegtay, qorshahan ayaa sababay in Israa’iil ay gasho heegan sare, iyadoo laga cabsi qabay in Iiraan ay weerarradaas uga jawaabto duqeymo gantaallo ah oo lagu beegsado gudaha Israa’iil.
KAN News ayaa intaas ku dartay in Trump uu hadda doorbidayo waddo diblomaasiyadeed, isaga oo isku dayaya in Iiraan dib loogu soo celiyo miiska wada-hadallada, halkii laga sii wadi lahaa weerarrada militari.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in duqeymihii uu Mareykanku dib u billaabay aanay illaa hadda dhalin isbeddel muuqda oo ku qasba Iiraan inay beddesho mowqifkeeda, taasoo la rumeysan yahay inay qayb ka tahay sababaha loo hakiyay qorshaha weerarrada ballaaran.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ama dowladda Iiraan oo xaqiijinaya warbixintan.


