Sunday, July 26, 2026

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaal beeleed ka socda deegaanka Dawaco ee degmada Badhan, Gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto colaadda ka aloosan deegaankaasi, isla markaana ay walaac weyn ka muujisay khasaaraha iyo xaaladda amni ee ka dhalatay dagaalka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.

Sidoo kale, waxay ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo maamulka deegaanka inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Dowladda Federaalka ayaa caddeysay inay garab taagan tahay dadaal kasta oo lagu soo afjarayo colaadda, laguna xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni ka dhalata deegaanka ay dagaalladu ka socdaan.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ku baaqday in mudnaanta la siiyo wada-hadal, is-afgarad iyo ilaalinta nabadda, iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu joojinayo colaadda.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles