Sunday, July 26, 2026

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay ku wada xiriiraan xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib markii halkaas lagu wadaagay war-saxaafadeedkii ay Puntland uga digtay hurinta colaad ka dhacda Gobolka Mudug, iyadoo eedda dusha looga tuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida xogta la helay, falcelintii ugu horreysay waxaa sameeyay Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf, oo ka soo jeeda Mudug, kaasoo dhaliilay mowqifka Puntland.

Arrintaas waxaa si degdeg ah uga jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo ka soo jeeda Galmudug, isagoo sheegay in bulshada deegaankiisu aysan oggolaan doonin in dhulkooda loo adeegsado hurinta colaado lagu waxyeelleynayo deriskooda. Hadalkaas ayaa waxaa bogaadiyay Xildhibaan Kooshin, oo ka soo jeeda Somaliland.

Doodda ayaa sii kululaatay markii Xildhibaan Mursal, oo laga soo doorto Gedo, uu ku eedeeyay Xildhibaan Cismaan inuu muddo dheer sugayay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, isla markaana uu ka tanaasulo, sida uu hadalka u dhigay, “shahaado-suurka iyo weerarka deegaankiisa.”

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa markale doodda dib ugu laabtay, isagoo uga jawaabay hadal kale oo ka yimid Xildhibaan Cismaan, kuna yiri: “Qoriga dabka leh oo mudda-dhaafka qofka wata waa la yaqaan ee runta u sheeg saaxiib.”

Xildhibaan Kooshin ayaa isaguna mar kale Odowaa u jawaabay, isagoo yiri: “Odowaa caqliga ha waayin. Adiga u damqanaya, kii ka soo jeedayna waa kaa @Xil. Cismaan Dheere belo ku ciyaadhay.”

Dhankiisa, Xildhibaan Mursal ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Cismaan, isagoo yiri: “Guulwadeyn iyo shahaado-suurnimo ka weyn ma jirto inaad difaacdo ninkii magaaladaada ama gobolkaaga colaadda ka abuuraya, oo dhowr boqol oo kiiloomitir hub iyo ciidan uga daabbulaya.”

Wararka ayaa muujinaya in dooddan ay ka tarjumeyso kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriira xaaladda amni iyo xiisadda ka taagan Gobolka Mudug.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles