Donald Trump ayaa uga digay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela, Delcy Rodríguez, inay “in ay la kulmi karto wax ka weyn u wixii Maduro la kulmay” haddii aysan “samayn waxa saxda ah.”
Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska Mareykanka ee The Atlantic, xilli madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Nicolás Maduro, la filayo in Isniinta maanta ah uu ka soo hormuuqdo maxkamad ku taalla New York.
Mareykanka ayaa Maduro ku eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada iyo hubka, isla markaana ku tilmaamay nidaamkiisa “mid argagixiso,” eedeymahaas oo isagu uu beeniyay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku adkeystay in Mareykanku uusan dagaal kula jirin Venezuela, kaddib weerarro cirka ah oo Sabtidii ka dhacay Caracas, kuwaas oo sababay in Maduro iyo xaaskiisa la xiro lana geeyo Mareykanka.
Dunida ayaa tallaabadn uga falcelisay cambaareyn iyo baaq ay u direen Trump oo ku saabsan in uu sii daayo Maduro.


