Sunday, February 22, 2026

Trump oo ku eedeeyay Zelensky inuu bilaabay dagaalka ka dib weerarkii weynaa ee Ruushka

Donald Trump ayaa Volodymyr Zelensky ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalka Ruushka maalin kadib weerar ba’an oo Ruushku ku dilay in ka badan 30 qof oo ka dhacay Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyaha Ukraine in uu eedda la wadaago madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee “malaayiinta qof eek u dhintay” dagaalka Ukraine.

“Kuma qaadid dagaal qof in ka badan 20 jeer kaa weyn, haddana ma rejayn kartid in ay dad ku siiyaan xoogaa madaafiic ah,” ayuu Aqalka Cad ugu sheegay wariyeyaasha isagoo sidoo kale ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii si weyn looga carooday weerarkii Ruushka uu Axadii ku qaaday magaalada Sumy ee dalka Ukraine, kaasoo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Ruushka ku qaado dad rayid ah sanadkan.

Trump ayaa sidoo kale horey u sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid khalad ah.

“Malaayiin qof ayaa u dhintay saddex qof dartood,” ayuu yiri Trump Isniintii. Aynu nidhaahno Putin lambarka koowaad, aynu nidhaahno Biden oo aan wax fikrad ah ka lahayn waxa cadaabta ah ee samaynayo oo ah lambarka labaad, iyo Zelensky.”

Waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun, laakiin aan ahayn “malaayiin” dad ah ayaa la dilay ama la dhaawacay dhinac walba tan iyo markii Ruushku bilaabay gulufka weyn ee Ukraine 24-kii Febraayo 2022.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka oo maanta ka bilaabay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta...

Xiisad dagaal oo ka soo cusboonaatay xuduuda Itoobiya iyo Eritrea

Xiisad amni oo sii kordheysa ayaa laga dareemayaa waqooyiga...

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa maanta shir ku...

WFP”Gargaar cunto oo malaayiin Soomaali ah badbaadiya halis ayuu ku jiraa”

Hay’adda World Food Programme (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa...

Trump oo ka horyimid go’aanka maxkamada sare ee Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles