Wednesday, July 9, 2025

Trump oo Mamnuucay Socdaalka Muwaadiniinta 12 Waddan Sababo la Xiriira Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay go’aan cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal inay u safraan Mareykanka, sababo la xiriira khataro amni oo la sheegay inay ka imaan karaan waddamadaas. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad, wuxuuna dhaqan galayaa Isniinta 9-ka June.

Waddamada laga mamnuucay socdaalka ayaa kala ah: Afghanistan, Myanmar, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadi ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.

Sidoo kale, xayiraado amni oo dheeraad ah ayaa lagu soo rogay muwaadiniinta toddoba waddan oo kale oo kala ah: Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela. Dadka ka imaanaya dalalkan waxaa lagu samayn doonaa baaritaanno adag, halka qaarna gebi ahaanba laga joojin karo gelitaanka Mareykanka marka laga reebo xaalado gaar ah.

Afhayeenka Aqalka Cad, Abigail Jackson, ayaa sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada Madaxweynaha si uu uga hortago khataraha shisheeye. “Madaxweyne Trump waxa uu oofiyay ballan-qaadkiisii ahaa in uu Maraykanka ka ilaaliyo wakiilada ajnabiga ah iyo kuwa u soo gala si ay dhibaato noogu geystaan,” ayey tiri.

Trump ayaa sheegay in go’aankani jawaab u yahay weerarro argagixiso oo dhowaan dhacay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdo argagixiso oo ka dhacday magaalada Boulder, Colorado, halkaas oo nin lagu magacaabo Mohamed Sabry Suleiman uu weerar ku qaaday isu-soo bax lagu taageerayay Israa’iil. Ninkan oo haystay fiisaha dalxiiska sannadkii 2022, ayaa codsaday magangelyo balse uu ku sugnaa dalka xilli uu fiisihiisu dhacay.

Trump ayaa dhaleeceeyay siyaasadda socdaalka Madaxweyne Joe Biden, isaga oo ku eedeeyay in ay ahayd “albaab furan” oo keenay “malaayiin sharci-darro ah” inay dalka soo galaan.

Go’aankan cusub ayaa dib u xasuusinaya amarkii muranka dhaliyay ee Trump ku saxiixay sanadkii 2017, kaas oo mamnuucay socdaalka dadka ka imanayay 7 dal oo Muslimiin u badnaa.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles