Thursday, August 20, 2026

Trump oo Mamnuucay Socdaalka Muwaadiniinta 12 Waddan Sababo la Xiriira Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay go’aan cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal inay u safraan Mareykanka, sababo la xiriira khataro amni oo la sheegay inay ka imaan karaan waddamadaas. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad, wuxuuna dhaqan galayaa Isniinta 9-ka June.

Waddamada laga mamnuucay socdaalka ayaa kala ah: Afghanistan, Myanmar, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadi ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.

Sidoo kale, xayiraado amni oo dheeraad ah ayaa lagu soo rogay muwaadiniinta toddoba waddan oo kale oo kala ah: Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela. Dadka ka imaanaya dalalkan waxaa lagu samayn doonaa baaritaanno adag, halka qaarna gebi ahaanba laga joojin karo gelitaanka Mareykanka marka laga reebo xaalado gaar ah.

Afhayeenka Aqalka Cad, Abigail Jackson, ayaa sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada Madaxweynaha si uu uga hortago khataraha shisheeye. “Madaxweyne Trump waxa uu oofiyay ballan-qaadkiisii ahaa in uu Maraykanka ka ilaaliyo wakiilada ajnabiga ah iyo kuwa u soo gala si ay dhibaato noogu geystaan,” ayey tiri.

Trump ayaa sheegay in go’aankani jawaab u yahay weerarro argagixiso oo dhowaan dhacay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdo argagixiso oo ka dhacday magaalada Boulder, Colorado, halkaas oo nin lagu magacaabo Mohamed Sabry Suleiman uu weerar ku qaaday isu-soo bax lagu taageerayay Israa’iil. Ninkan oo haystay fiisaha dalxiiska sannadkii 2022, ayaa codsaday magangelyo balse uu ku sugnaa dalka xilli uu fiisihiisu dhacay.

Trump ayaa dhaleeceeyay siyaasadda socdaalka Madaxweyne Joe Biden, isaga oo ku eedeeyay in ay ahayd “albaab furan” oo keenay “malaayiin sharci-darro ah” inay dalka soo galaan.

Go’aankan cusub ayaa dib u xasuusinaya amarkii muranka dhaliyay ee Trump ku saxiixay sanadkii 2017, kaas oo mamnuucay socdaalka dadka ka imanayay 7 dal oo Muslimiin u badnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur...

Ciidan iyo Saraakiil Somaliland ka tirsanaa oo ku biiray Maamulka Waqooyi Bari

Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la...

Guddoomiye Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles