Thursday, April 9, 2026

Trump oo wacad ku maray inu aarsan doono kadib markii ciidan looga dilay Suuriya

Labo askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dalka Suuriya kadib weerar gaadmo ah oo uu fuliyay nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee Centcom.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka, intii uu socdayna dableydii “la dilay” Wararka Suuriya ayaa sheegay in labo ka mid ah shaqaalaha Suuriya ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray in uu yahay “Weerarka Daacish” ee ka dhanka ah Mareykanka iyo Suuriya, waxa uuna sheegay inuu xigi doono aargoosi aad u daran. Dowladda Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarka.

Aqoonsiga dadka la dilay ayaa la qarinayaa muddo 24 saacadood ah ilaa laga wargelinayo qaraabadooda, ayay tiri Centcom.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles