Guddoomiye Mungaab oo weerar afka ah ku qaaday Sheekh Shariif

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hadallo adag ku weeraray qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo sheegay in Muqdisho ay ka gudubtay marxaladihii qaraxyada, fowdada iyo madax-jebinta siyaasadeed.

Muungaab ayaa sheegay in caasimaddu aysan mar dambe aqbalayn in siyaasadda lagu raadiyo qalalaase amni, isagoo yiri:

“Xamar way ka gudubtay qarax kun qof ay ku dhimato. Haddaad siyaasadda keliya ka raadinayso madax-jebin iyo fowdo, taasi way dhammaatay.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Muqdisho ay ka nasatay qaraxyo, fooriyow iyo musiibooyin uu sheegay in horay loogu adeegsan jiray loollan siyaasadeed, wuxuuna xusay in amniga caasimaddu uu marayo heer ka duwan kii hore.

Sidoo kale, Muungaab oo dhawaan qaatay kaarka cod-bixinta, ayaa shaaciyay in dalka uu u jihaystay doorasho qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay codkooda si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Isagoo sii wada hadalkiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay wali ku fekeraan habab hore oo qalalaase ku dhisan, wuxuuna yiri:

“Qof kasta oo leh Xamar amni ma aha, wuxuu la rabay fooriyow, madax-jebin iyo qaraxyo. Taasi waa waqti tagay.”

Hadalladan ayaa imanaya xilli uu sii xooganayo dooda la xiriirta hanaanka doorashooyinka dalka iyo amniga Muqdisho, taas oo u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles