Wednesday, March 19, 2025

Turkiga muxuu ka yiri heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Türkiye, Hakan Fidan, ayaa war ka soo saaray heshiiska ay gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ay garwadeen ka aheyd,

Fiden ayaa waxaa uu taageeray heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.

Hakan Fidan oo la hadlayay warbaahinta Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka Türkiga iyo Midowga Afrika.

Wasiir Fidan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday sida Türkiga ay uga go’an tahay ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab,” ayuu yiri, isaga oo muujiyay rajo ah in arrimaha amniga Soomaaliya la xallin karo waqti ka dib haddii la helo taageero caalami ah oo joogto ah.

Fidan ayaa heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa uu ku sifeeyay tusaale ay dalalka Afrika uga faa’iidaysan karaan xalinta arrimahooda.

“Heshiiska nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ay mas’uul uga noqon karaan arrimahooda,” ayuu yiri Hakan Fidan.

Markuu ka hadlayey doorka Türkiye ay ku leedahay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles