Wednesday, March 4, 2026

Turkiga oo shaaciyay saameynta ka dhalan karta duullaan lagu qaado Iran

Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump , ayaa marar badan ku hanjabay in duullaan milatari ku qaadi doonaan dalka Iran, haddii dowladda Iran ka biyo diido in ay meesha ka saarto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Mareykanka iyo Iran , ayaa isbuuca soo socda yeelan doona wadahadallo toos ah, waxaana haddii ay guuldareestaan wadahadalada laga cabsi qabaa in dowladda Mareykanka oo garab ka heleysa Israa’iil weerar ku qaadaan dalka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ka digay duullaan lagu qaado dowladda Iran, waxa uuna caddeeyay Wasiirka haddii weerar lagu qaado dalka Iran ay saameyn xooggan ku yeelan karto guud ahaan dalalka dhaca Bariga Dhaxe.

Waxa uu sheegay Hakan Fidan in weerar lagu qaado dalka Iran ay ka dhalan karto xasillooni darro meelo badan saameysa, waxa uuna intaasi raaciyay in uusan xilligan xamili karin gobolka Bariga Dhexe , duullaan ka dhan ah dowladda Iran.

Iran , ayaa horey ugu hanjabtay in ay weerari doonto dal kasta oo kuyaalla Baruga Dhaxe oo Mareykanka u ogolaato in dalkooda duullaan kasoo qaado, waana midda keentay cabsiga laga qabo in guud ahaan Bariga Dhaxesaameyn ku yeelato haddii Mareykanka duullaan ku qaado Iran.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles