Tuesday, March 3, 2026

Turkiga oo sheegay inuu adkeynayo taageerida Milateri ee uu siiyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si cad u muujiyay sida dalkiisu uga go’an tahay taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo wareysi uu siiyay majalladda Jeune Afrique ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Turkigu ka ciyaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta amniga dalka.

Wasiir Fidan ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dal istiraatiiji ah oo muhiim u ah istaraatiijiyadda Turkiga ee gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ankara ay ka go’an tahay inay ka taageerto nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay xiriirka labada dal, ayuu sheegay inuu yahay mid qoto dheer oo istiraatiiji ah, islamarkaana Turkigu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada difaaca, gargaarka bani’aadantinimo, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale xusay in Turkigu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dhowaan Turkigu uu shaaciyay heshiis cusub oo iskaashi difaac ah oo uu la galay Soomaaliya. Heshiiskaasi waxa uu ka kooban yahay tababarka ciidamada, dhismaha kaabayaal ciidan, iyo bixinta qalab muhiim u ah dagaalka lagula jiro argagixisada.

Taageerada joogtada ah ee Turkiga ayaa noqotay tiir-dhexaad muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xasillooni buuxda, iyadoo Ankara ay noqotay saaxiib istiraatiiji ah oo la isku halleyn karo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles