Monday, January 26, 2026

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxayso dalka Soomaaliya oo ay nabad ilaalin u joogeen muddo 19 sano ah.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidamada dalkaasi Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in ay ciidamadooda si degdeg ah ugala baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa hadda ah askarta ugu badan ee qaybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo baddelay sanadkii hore ATMIS.

Hadalka taliyaha ciidamada Uganda wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo hoggaanka howlgalka AUSSOM uu ka digay in howlgalka uu wajihi karo caqabado haddii aan la helin maalgelin joogto ah oo la isku halaynka.

Waxaa la sheegay in shirar hore oo lagu qorsheeyay in looga hadlo maalgelinta howlgalka AUSSOM ay dib u dhaceen, taasoo abuurtay walaac la xiriira mustaqbalka taageerada dhaqaale ee howlgalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles