Friday, March 13, 2026

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxayso dalka Soomaaliya oo ay nabad ilaalin u joogeen muddo 19 sano ah.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidamada dalkaasi Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in ay ciidamadooda si degdeg ah ugala baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa hadda ah askarta ugu badan ee qaybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo baddelay sanadkii hore ATMIS.

Hadalka taliyaha ciidamada Uganda wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo hoggaanka howlgalka AUSSOM uu ka digay in howlgalka uu wajihi karo caqabado haddii aan la helin maalgelin joogto ah oo la isku halaynka.

Waxaa la sheegay in shirar hore oo lagu qorsheeyay in looga hadlo maalgelinta howlgalka AUSSOM ay dib u dhaceen, taasoo abuurtay walaac la xiriira mustaqbalka taageerada dhaqaale ee howlgalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles