Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Uganda Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada milateriga Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgal qorsheysan oo milatari, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, oo qiyaastii 50km u jirta caasimadda Muqdisho dhanka koonfur-galbeed.
Weerarkan milatari wuxuu qeyb ka yahay howlgallo ballaaran oo socda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo diiradda lagu saaray in Al-Shabaab laga saaro magaalooyinka Bariire, Sabiid, Anole, iyo Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda.
Intii lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 50 dagaalameyaal oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana ka mid ahaa saddex sarkaal oo muhiim ah:
1.Mohammed Abdallah – Khabiir ku takhasusay hubka lidka taangiyada
2.Sadam Ibrahim – Khabiir ku xeel dheer qaraxyada nooca IED
3.Abas – Taliyaha ciidanka lugta ee kooxda
Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalku wali uu socdo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Bariire, kuna howlan yihiin sifeynta deegaanka si loo sugo amniga buuxa, loona ciribtiro dagaalyahanada haray.
Dowladda Uganda waxay si adag u beenisay warar ay faafiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab, kuwaas oo sheegaya khasaare xooggan oo gaaray ciidamada huwanta. Uganda waxay ku tilmaantay wararkaas “borobagaando aan sal iyo raad lahayn.”