Tuesday, August 11, 2026

Ugu yaraan 69 rakaab oo ku dhintay Doon ku sii jeedday jasiiradaha Canary ee Spain

Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa la la’yahay ka dib markii ay doon ku degtay xeebaha dalka Mauritania, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalka ku yaalla waqooyi-galbeed ee Afrika.

17 qof ayaa la soo badbaadiyay, waxaana wali socda baadigoobka. Wararka ayaa sheegaya in dadka doonida la socday ay u badnaayeen Senegal iyo Gambia, kuwaas oo doonayay inay gaaraan jasiiradda Canary ee dalka Spain.

Sida laga soo xigtay dad ka badbaaday shilkaas, doonta ayaa ka tagtay Gambia lix maalmood ka hor shilkii ku yimid Talaadadii, iyadoo ay la socdeen ku dhawaad ​​160 qof oo u badan dad u dhashay Gambia iyo Senegal.

Socdaalka halista ah ee ay ku marayeen badweynta Atlaantigga ayaa noqday marin ay si isa soo taraysa u maraan tahriibayaasha Afrikaanka ah ee isku dayaya in ay gaaraan Yurub.

Ku dhawaad ​​47,000 oo qof ayaa gaaray jasiiradaha Canary sanadkii hore, ururka aan dawliga ahayn ee Isbaanishka ee Caminando Fronteras ayaa ku qiyaasay in in ka badan 9,000 oo muhaajiriin ah ay dhinteen iyagoo isku dayaya safar ay ku tagaan Spain.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles