Friday, March 6, 2026

UK oo shaacisay in ay si kumeel gaar ah u joojineyso habka muhaajiriinta ay ku keenaan qoysaskooda

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay si kumeel gaar ah u joojineyso habka muhaajiriinta ay ku keenaan qoysaskooda.

Xoghayaha arrimaha gudaha UK, Yvette Cooper ayaa go’aankan oo hirgalayo toddobaadkan ku sheegtay in uu la mid noqonayo sida xayiraadaha kale ee saaran dadka kale.

Tani waxay ka dhigan tahay in sanadkii ay soo gasho £29,000 qofka doonaya in uu qoyskiisa keeno iyo sidoo kale dadka uu keenayo in ay luuqada wax ka yaqaanaan.

Shalay ayey Yvette Cooper sheegtay in dowladda ay si kumel gaar ah u hakisay nidaamkii qaxootiga u ogolaanayay in ay si shuruud la’aan ku keenaan UK xubno ka tirsan qoyskooda.

Muhaajiriina doonaya in ay keenaan dalka xubno ka tisan qoyskooda waxay wajahayaan caqabado badan nidaamkan cusub.

Waxaa sidoo kale la filyaa in sanadkan wax kale oo dheeri ah lagu sii daro sida ay ku keenayaan qaxootiga qoysaskooda.

Dowladda UK waxaa haystsa cadaadis balaaran oo ku saabsan sida ay u maareyso qaxootiga iyo maganglayo doonka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo labo mas’uul oo Safiirnimo u dalacsiiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xildhibaanadii Puntland ee laga hor istaagay inay tagaan Garoowe oo loo fasaxay

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee dhowaan dowladda...

MW Xasan Sheekh oo caawa la kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya...

Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go’aanka labada aqal ee ansixinta dastuurka dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si...

Iiraan oo duqeysay Qudus

Ciidamada milatariga ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Iiraan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles