Tuesday, September 2, 2025

UK oo xirtay safaaraddeeda ku taala Qaahira

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono “ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan”, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo.

Go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London.

Daily News Egypt ayaa ku warantay in todobaadkii hore la xiray nin taageersan dowladda ka dibna la sii daayay ka dib markii ay u muuqatay in uu ka hortagay oo ay isku dhaceen dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Masar ee Boqortooyada Ingiriiska.

Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty uu todobaadkii hore taleefoon kula xiriiray la taliyaha amniga qaranka ee Britain Jonathan Powell, isagoo ka codsaday in la caddeeyo xariga.

Abdel-Ati ayaa horay u sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay “ka jawaabto” wadamada “ku guuldareystay in ay dammaanad qaadaan ilaalinta safaaradaha Masar si waafaqsan qodobbada Axdiga Vienna.”

Xariga ayaa dood ka dhaliyay Masar, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadda Masar ay ka codsadeen dowladda Masar inay ka qaadaan xeeyndaabka hore safaaradda UK ee Qaahira.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles