Tuesday, March 3, 2026

Ukarine iyo Maraykanka oo ugu danbayn heshiiskii la sugayey gaaray

Maraykanku wuxuu saxiixay waxa uu ku tilmaamay iskaashi dhaqaale oo taariikhi ah oo uu la galay Ukraine.

Heshiiska ayaa dhisaya sanduuq maalgashi oo wadajir ah oo bixin doona kharashaadka dib u dhiska dalka.

Heshiiskani wuxuu si wax ku ool ah Maraykanka wax uga siinayaa faa’iidooyinka ka soo gala horumarinta shidaalka iyo gaaska Ukraine mustaqbalka.

Bedelkeeda, Ukraine-na waxay heli doontaa caawimo militari oo joogto ah oo ka timaadda Maraykanka.

Ukraine ayaa la rumeysan yahay inay leedahay kayd aad u badan oo ah macdanaha muhiimka ah sida graphite, titanium iyo lithium.

Macdanahaas kala duwan aad ayaana loo raadiyaa sababtoo ah waa in loo isticmaalo tamarta la cusboonaysiin karo, qalabka militariga iyo kaabayaasha warshadaha.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu dagaal ganacsi kula jiro Shiinaha, halkaas oo 90% kaydka macdanaha naadirka ah ee dunida il u ah.

Oleksandr Merezhko oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Ukraine, kaasoo mas’uul ka noqon doona in uu baarlamaanka guud ahaan dalkaas u soo jeediyo talo ku saabsan in la ansixiyo heshiiska.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles