Siyaasiyiinta Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay falkan ka dhanka ah Xildhibaanada iyo Saxaafadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ay si adag ugu cambaareeyeen falal gacan-ka-hadal ah oo ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Xamse iyo ciidamada Booliiska ee Baarlamaanka.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in weerarro lagu qaaday xildhibaano iyo saxafiyiin ay yihiin falal si cad u xadgudbaya xasaanadda xildhibaanada, xorriyadda saxaafadda, iyo nidaamka dowladnimo. Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe inuu ku kacay hadallo aflagaado ah iyo ficillo lagu caburinayo xubnaha Baarlamaanka.

Waxay siyaasiyiintani hoosta ka xariiqeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka marar badan loo jeediyay digniin ah in uu joojiyo afduubka, hagardaamada iyo hoosaasinta uu Golaha ku hayo, balse ay muuqato inuusan waxba ka beddelin dhaqankiisa.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen Guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga, iskana daayo ficillada dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo sumcadda hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles