Tuesday, August 18, 2026

Xildhibaan Kenyan ah oo lagu dilay magaalada Nairobi

Xildhibaan Charles Ong’ondo Were, oo ka tirsanaa Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa la toogtay xilli uu marayay wadada Ngong ee magaalada Nairobi. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan oo saarnaa mooto Fekonta loo yaqaan ay rasaas ku fureen Xildhibaan Were, kadibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta.

Xildhibaan Charles Were ayaa laga soo doortay deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homabay, wuxuuna kamid ahaa mudanayaasha firfircoon ee Baarlamaanka dalkaas.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, sidoo kalena dowladda Kenya kama aysan hadlin falkan lagu dilay xildhibaanka.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan, iyadoo cabsi laga qabo in dilkan uu horseedo xaalad kacsanaan siyaasadeed iyo amni darro oo ka dhacda qeybo kamid ah magaalada Nairobi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles