Xildhibaan Kenyan ah oo lagu dilay magaalada Nairobi

Xildhibaan Charles Ong’ondo Were, oo ka tirsanaa Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa la toogtay xilli uu marayay wadada Ngong ee magaalada Nairobi. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan oo saarnaa mooto Fekonta loo yaqaan ay rasaas ku fureen Xildhibaan Were, kadibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta.

Xildhibaan Charles Were ayaa laga soo doortay deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homabay, wuxuuna kamid ahaa mudanayaasha firfircoon ee Baarlamaanka dalkaas.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, sidoo kalena dowladda Kenya kama aysan hadlin falkan lagu dilay xildhibaanka.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan, iyadoo cabsi laga qabo in dilkan uu horseedo xaalad kacsanaan siyaasadeed iyo amni darro oo ka dhacda qeybo kamid ah magaalada Nairobi.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles