Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan MadaxdaTurkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar.

Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in laga hortago adeegsiga aan loo meel dayin ee ka dhanka ah madax-bannaanida Qatar.”

Ergayga Turkiha ayaa dib u xaqiijinaya midnimada ururka Iskaashiga Islaamka,isagoo yiri”Waxaan u taagannahay si wadajir ah in aan taageerno xaqa iyo waajibaadka Dowladda Qatar si ay uga jawaabto xadgudub kasta ama gardarro kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Dalka Turkiye ayaa xilligaan haya talada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxayna madaxda dalkaasi ay soo saareen bayaan lagu dalbanaayo in Israel lagula xisaabtamo weerarada ka dhanka ah Qadat iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar cirka ah Talaadadii la beegsatay ergada wada xaajoodka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Doha,waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ku jiraan wiil uu dhalay hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Gaza, Khalil al-Hayya, saddex kaaliye iyo sarkaal ammaanka Qatar u qaabilsan Badr al-Dosari

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles