Sunday, February 15, 2026

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan oo Xaqiijiyay dilka Fuad Shukr

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi shalay xaqiijiyay, in Fuad Shukr oo ahaa abaanduurlihi ugu sarreeyay garabkooda millatariga lagu dilay, duqeyn ay Isra’il ku bartilmaameedsatay Talaadadi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Beyruut.

Gantaallada lagu khaarijiyay sarkaalkan ayaa lala eegtay dhisme uu ku jiray oo ku yaalla nawaaxiga koofureed ee Beyruut halkaas oo ay ku xoogganyihiin Xisbullah. Wuxuu ahaa weerarki labaad oo aaggaasi ay Isra’il ka fuliso tan iyo bishii October, markaas oo ay Xisbullah iyo Isra’il billaabeen in ay madaafiic isku weydaarsadaan xadka, sababo la xiriiray duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza.

Xisbullah waxay sheegtay in xoghayaha guud ee ururka Hassan Nasrallah uu Khamiista maanta ka hadli doono aaska Shukr. Shukri ayaa ahaa abaanduulihi ugu sarreeyay Xisbullah, wuxuu sidoo kale ahaa lataliyaha Nasrallah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles