Soomaaliya ayaa ka hadashay dilkii shirqoolka ahaa ee lagu dilay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismaβil Haniyeh, kaasi oo lagu dilay magaalada Caasimadda ah ee dalka Iraan ee Tehran.
βJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israaβiil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee baniβaadamnimadaβ ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu yiri βSoomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe. Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeyaβ
Dowladda Soomaaliya ayaa adkeysay baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo masβuuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israaβiil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga.
βSoomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariisteeβ ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka.