Wadamada G-7 oo war ka soo saaray dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Wadamada loo yaqaano G-7 oo shir uga socda magaalada Alberta ee dalka Canada ayaa soo saaray war-murtiyeed wada jir ah. Waxayna yiraahdeen:

Anaga oo ah madaxda G7, waxaan ku celcelinaynaa sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Xaaladdan oo kale, waxaan ku xaqiijineynaa in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo. Waxaan ku celinaynaa taageeradayada ammaanka Israa’iil.

Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka.

Iran waa isha ugu weyn ee xasilooni darida gobolka iyo argagaxisada.

Waxaan si joogto ah u caddaynay in Iran aysan weligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.

Waxaan ku boorineynaa in xallinta xiisadda Iran ay horseeddo dejinta colaadaha Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabbad-joojin laga hirgeliyo Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa durbaba isaga baxay shirkaas, sababo lagu sheegay colaadda ka socota Bariga Dhexe.

Ma cadda ujeedka iyo sababta uu Trump dhaqsi uga baxay shirkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles