Wednesday, January 7, 2026

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.
Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta dhanka booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kulammo miro dhal ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha...

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa...

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa...

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles