Wafdi ka socda DFS oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya Ali Haji Adam Abubakar, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan, oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aamada, iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka dunida. Soomaaliya ayaa kamid ah 34-ta dowladood ee xubnaha ka ah Executive Board-ka WHO, taas oo muujinaysa kaalinta iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee caafimaadka.

Ka qaybgalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dunida, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles