Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir ka dhacay Washingtom dc

-Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhan yahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva isla markaana ay soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Shirkan loo dhan yahay ayuu Wasiir Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ka jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray saameynta Isbaddalka Cimiladu ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii la socday ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK ee shirka ka soo qayb galay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgashiga iyo saameynta isbaddalka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan doceed wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, kulanka ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, Maalgalinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha. Hay’adda AMF ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles