Wednesday, December 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay Khamiista maanta “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).

Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

“Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum… ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo.

“Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta.

Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF.

Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum.

Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri.

Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn.

Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa...

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku...

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo...

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Booliska oo qabtay askar hubeysan oo hub ku dhex watay caasimada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles