Wareega 1aad ee Doorashada Madaxtinimada Waqooyi Bari oo la Soo Afmeeray iyo natiijada

Waxaa dhammaatay tirinta codadka wareegga Koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, taasi oo ka socota magaalada Laascaaanood ee Gobolka Sool.

Wareegga Koowaad waxaa ku tartamay Shan musharrax, waxaana codeeyay 81 xildhibaan, 1 cod ayaa halaabay, waxayan musharraxiinta codadka u kala heleen sidan:-

  • Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)  36 COD
  • Maxamuud Yuusuf Xasan          8 COD
  • Jamaal Maxamed Xassan          15 COD
  • Rashiid Faarax Maxamuud        4 COD.
  • Cabdirisaaq Khaliif Axmed        20 COD

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in wareega labaad ee doorashada la guda geli doono,isla markaana ay isugu soo hareen musharixiinta kala ah.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)    36 COD

Cabdirisaaq Khaliif Axmed                      20 COD

Waxaana hadda la guda gali doonaa wareega labaad ee doorashada madaxtinimada ee maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles