Wednesday, March 4, 2026

“Warsaxaafadeed”MW Xasan Sheekh oo aqbalay in lagala hadlo doorashooyinka iyo Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka isaga oo la shiray Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Madaxweynihii hore, Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa guddiga uu Madaxweynaha u xil-saaray gogosha wadatashiga.

Kulankan Labada dhinac waxay si qoto dheer uga doodeen afar ajande oo saldhig u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee dalka:

1. Adkeynta midnimada iyo wadajirka dalka

2. Hagaajinta hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

3. Dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada

4. Dhameystirka hannaanka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu yahay

 

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo raadinta mas’uuliyiinta wali ka maqan gogosha, si loo helo midnimo buuxda iyo wadajir qaran.

Intaas kadib, waxaa la isku raacay in wadahadallada la sii ambaqaado, iyada oo dib loogu balansan yahay in kulamada wadatashiga ay dib u bilaabmaan 3-da bisha Luuliyo 2025, xilli uu si rasmi ah u bilaabanayo usbuuca xorriyadda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles