Wasaarada Kalluumeysiga Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Shirkad laga leeyahay Turkiga

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee JFS iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Waxa uu diiradda saaraya dhowr qodob oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha kalluumeysiga

  1. Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka,

3.Tayeynta kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah,

4.Dhisidda warshadaha kalluumeysiga si kor loogu qaado kalluunka ka dhoofaya dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada,

5.Hagaajinta nidaamka la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Heshiiskan waxaa dhinaca DFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Mudane Ahmed Hassan Aden, halka dhinaca Shirkadda OYAK uu saxiixay Mudane Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi. Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu si weyn uga qayb qaato kor u qaadista dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda ee Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqdo shaqo-abuur ballaaran oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles